Wararka24: Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in heshiis lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu u baahan yahay in Tehran ay si muuqata u yareyso awooddeeda kobcinta uranium-ka. Vance oo wareysi gaar ah siiyay Reuters ayaa sheegay in Washington aysan ku qanacsanaan doonin ballanqaadyo mustaqbalka ah oo keliya, balse ay rabto tallaabooyin la taaban karo.
Vance ayaa sheegay in haddii Iran ay doonayso inay muujiso inaysan raadinayn hub nukliyeer ah, ay tahay inay wax ka beddesho awooddeeda kobcinta shidaalka nukliyeerka. Waxa uu tusaale u soo qaatay heerka 60% ee kobcinta uranium-ka, isaga oo sheegay in Washington ay u aragto arrintaas mid aan la jaanqaadi karin sheegashada ah in Tehran aysan doonayn hub nukliyeer ah.
Mareykanka iyo Iran ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay is-weydaarsaday soo-jeedinno la xiriira sidii loo soo afjari lahaa colaadda iyo dib loogu furi lahaa marin-biyoodka Hormuz, oo ah waddo muhiim u ah maraakiibta shidaalka iyo gaaska. Vance ayaa sheegay in Mareykanku weli diyaar u yahay heshiis, balse uu doonayo tanaasul muuqda oo dhanka Iran ah.
Vance ayaa sidoo kale sheegay in Washington ay weli ka walaacsan tahay habka go’aannada looga gaaro Tehran. Sida uu sheegay, Mareykanku wuxuu xiriir wada-hadal ah la leeyahay Madaxweyne Masoud Pezeshkian iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi, balse Washington aysan si buuxda u hubin awoodda ay mas’uuliyiintaasi ku leeyihiin go’aannada ugu waaweyn ee dalka.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii colaadda ay saameyn ku yeelatay suuqyada tamarta iyo isu-socodka maraakiibta ee gobolka. Xirnaanshaha ama carqaladeynta marinka Hormuz ayaa si gaar ah walaac uga dhex abuurtay suuqyada caalamka, maadaama uu yahay marin ay maraan qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida.
Trump oo walaaac ka muujiyay qaab dhismeedka iyo cidda go’aannada ugu dambeeya ka qaadata Iran
Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay in aan si cad loo ogayn cidda go’aannada ugu dambeeya ka qaadata Iran. Hadalka Trump ayaa yimid xilli Washington ay sheegtay inay weli qiimeynayso fursadaha dib loogu bilaabi karo wada-hadallo lagu soo afjarayo colaadda.
Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay si wanaagsan u garanayaan dhiggooda Iran iyo qaabka uu u shaqeeyo nidaamka go’aan-qaadashada ee dalka. Tehran ayaa sidaas ku diidday qiimeynta Mareykanka ee ah in qaab-dhismeedka awoodda Iran uusan si cad u muuqan.
Vance ayaa sheegay in Washington aysan rabin in hadallo siyaasadeed lagu beddelo tallaabooyin dhab ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran. Wadahadallada labada dhinac ayaa weli socda, iyadoo aan la shaacin heshiis kama dambeys ah oo soo afjaraya colaadda ama dejinaya mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iran.









